Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ilyaas Shiikh Cumar iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay shirka madasha dhallinyarada adduunka oo ka dhacaaya magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar.
Danjiraha ayaa bogaadiyay madaxweynaha Masar Cabdiataax Al-siisi iyo dowladda Masar oo si wanaagsan u qabanqaabiyay shirkaan oo socon doona 10 ilaa 13-ka bishaan January.
Danjiraha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka madashaan , si looga faa’iideysto afkaaraha kala duwan ee dhallinyarada kasoo qeyb gelysa shirka si loogu hormariyo dalalkooda.