Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, isaga oo kala hadlay dardargalinta shaqada socota.
Agaasimayaasha ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka halka shaqada ay mareyso iyo waxa ay Wasaaraddu hiigsanayso. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa kula dardaarmay Agaasimayaasha uu la kulmay inay laba jibaaraan shaqada socota oo ah shaqo aad u weyn masโuuliyadne xambaarsan .
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kormeeray xafiisyada Wasaaradda ay ka kooban tahay, isaga oo indha indhaynayey qaabka ay u socdaan shaqooyinka.