Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iiraan iyo Shiinaha oo bilaabay hirgelinta heshiis muhiim ah

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Iiraan iyo Shiinaha oo bilaabay hirgelinta heshiis muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Hossein Amir-Abdollahian,  ayaa sheegay in heshiis istiraatijiyadeed oo  socon doona 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannadkii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ahayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha kadib markii uu casuumay ka helay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

“Waxaan ku heshiinnay inaan maanta ku dhawaaqno inay tahay taariikhda la bilaabayo hirgelinta heshiiska dhameystiran ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Shiinaha”ayuu yiri Amir-Abdollahian.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Dowladaha Iiraan iyo Shiinaha ayaa bishii March ee sannadkii hore kala saxeexday heshiis iskaashi oo istaraatiijiyadeed oo dhammaystiran, iyagoo oo ka soo horjeeda cunaqabataynta halka dhinac ah ee Maraykanka si loo xoojiyo isbahaysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah.

Heshiiska ayaa si rasmi ah u diiwaan gelinaya Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhamaystiran ee Shiinaha iyo Iiraan kaas oo lagu dhawaaqay booqashadii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si kor loogu qaado iskaashiga dhaqaale ee labada dal 25-ka sano ee soo socota.

Heshiiska ayaa ugogol xaarayaa ka qaybgalka Iiraan ee Hindisaha Belt and Road Initiative, mashruuc dhaqaalaha kaabaya oo ka bilaabmaya Bariga Aasiya ilaa Yurub.

Previous Post

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta dooranayo guddoomiye

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In