Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Warka ugu Weyn

DF Soomaaliya oo baareysa sababta loo duqeeyo xarumaha shirkadda Hormuud ee G/Gedo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Warka ugu Weyn
0
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada X.F.S oo fasaxday Shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobolka Gedo.

Qoraalka wasaaradda Difaaca qaranka ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay sida ay uga xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.

“Dowladda Soomaaliya waxay baaris rasmi ah ku sameyneysaa dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed, waan mahadsanyihiin saaxiibada Soomaaliya ka caawiya amniga iyo horumarka ay hiigsaneyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Previous Post

Galmudug oo soo saartay liiska kuraastii ugu badneyd ee golaha shacabka

Next Post

Hirshabeelle oo Shaacisay qabashada 11 Kursi doorashada golaha shacabka ee JFS.

Next Post
Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka  HirShabeelle oo guddoon doortay

Hirshabeelle oo Shaacisay qabashada 11 Kursi doorashada golaha shacabka ee JFS.

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In