Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Sanad guurada 49-aad ee maalinta Saxaafadda Soomaaliya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
January 21, 2022
in Wararka
0
Xuska Sanad guurada 49-aad ee maalinta Saxaafadda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana manta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda laga joogo ama ay ka soo wareegatay 49-sano.

Haddaba,iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya  horumarka dadka iyo dalka.

Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ahaa ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.

Marxaladihii  Saxaafadda

1-  Xorriyadda ka hor 

Xilligaaan, waa bilow wanaagsan oo loo qaaday socodsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah saxaafadda,kadib kolkii ay kordheen dadka bartay luqadaha iyo qoraalada kale ee Laatiinka ah,taasina waxa ay sababtay in ay soo baxaan wargeysyo lagu gudbiyo fariimo xambaarsan naceybka gumeysiga.

Muddadii u dhaxaysay 1935-60-kii,gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed, waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo isku xilsaaray soo saarista wargaysyo ay ka mid yihiin Somali Journal, Al-Liwaa, Qarni Afriqiya, Al-Waxda,War Somali side,Corriere della Somalia,Al-Sariixa iyo kuwo kale.

Isla xilligaan  gobollada Woqooyi oo uu gacanta ku haayay Ingiriiska waxaa sanadkii 1943-dii  laga hirgaliyay Raadiyo Hargeysa,halka gobolada Konfureed sanadkii 1951-kii laga furay Raadiyo Muqdisho,waqtigaasi oo  gumeysiga Talyaaniga uu Maxmiyad ku haystay gobollada Koofureed.

2-Dawladdii Rayadka

In la madax banneeyo xoriyadda hadalka,waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku guulaysatay dowladdii Rayidka ee 1960-kii,waxayna arintaasi sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, kuwaas oo ku qornaa luqadaha Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga,waxayna kala ahaayeen Sowtu Soomaal,Somali News,Somali review ,Li Oriente ,La Tripuna ,Kifaax, Al-shacab,Al-Waxda, Al-Xaqiiqa iyo kuwo kale.

5-tii Janaayo 1964-tii waxaa dhidibada loo taagay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,taas oo si buuxda u noqotay isha waraka dalka iyo codka dowladda Soomaaliya.

3-Dowladdii Millitariga

Waxaa hubaal ah in sanadkii 1969-kii,uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafadda Soomaaliya iyo niyad-jabkii qorayaasha ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyadda hadalka,iyagoo doorbiday in labada Idaacadood ee Radiyo Hargeysa iyo Radiyo Muqdisho iyo wargeyska dowladda ay noqdaan kuwo loo adeegsado baahinta awaamiirta maamulkii Kacaanka.

21-kii Janaayo Sanadkii 1973-di Waa markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo wargayskii ugu horeeyay ee ku hadla Afka Hooyo kadib kolkii1972-dii lagu guulaystay hirgalintii iyo qaadashada qoraalka farta Laatiinka,iyadoo la eegayo helitaanka qalabka loo adeegsado qoraalka xarfaha iyo dhinaca kale culeys dhaqaale oo saamixi waayey in la soo saaro aalado cusub oo xagga qoraalka ah.

Sanadkii 1980-kii waxaa dalka laga hirgaliyay Kulliyadda Saxaafadda ,taas oo soo saartay suxufiyiin badan oo aqoon u leh cilmiga saxaafadda,isla markaana kor u qaaday tayada iyo aqoonta warbaahinta dalka.

Sanadkii 1983-kii. Waa markii ugu horeysay ee Telefishin ama muuqaal baahiye uu leeyahay qaranka Soomaaliteed  uu si habsami leh uga shaqeeyay dalka,isla markaana laga daawaday warar iyo barnaamijyo tayeysan oo ay ku qanci karaan bulshada.

4-Xilligii burburka & soo kabashada

 Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay qaar ka mid ah ganacsatada iyo aqoonyahanno kale ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha  bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha  qaybaha warbaahinta dalka.

Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka  u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Gabagabadii ,anagoo ka faa’ideysaneyna xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta Soomaliya,aawadeed,waxaan hambalyo u direyna dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, waxaanna u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/Q Shiroos

Previous Post

Madaxda Warfaafinta XFS oo diray hambalyo ku aadan Xuska 21-ka Janaayo

Next Post

Finance Minister, IMF discuss Somalia’s debt relief program

Next Post
Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo kawada hadlay Arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

Finance Minister, IMF discuss Somalia’s debt relief program

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In