Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qodobadii kasoo baxay Shirkii Odayaasha Dhaqanka Iyo Safaaradda Soomaaliya ee Uganda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
January 24, 2022
in Wararka
0
Qodobadii kasoo baxay Shirkii Odayaasha Dhaqanka Iyo Safaaradda Soomaaliya ee Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulamo ay isugu yimaadeen xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda odayaasha dhaqanka, waxgaradka, nabadoonada, culumaa’udiinka iyo ardayda, kulankaas oo uu isugu yeeray safiirka soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayna goobjoog ka ahaayeen Qunsulka Safaaradda Cali Qadar Warjiid, iyo Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Cabdullaahi Maxamed Warsame, ayaa looga wada-xaajooday caqabada ka haysta Jaaliyadda Soomaalida ee Uganda ku nool iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Kulamadan oo socday muddo 3 maalin ah ayaa munaasabad isugu jirtay xiritaan iyo qado sharaf uu safiirka u sameeyay odayaasha oo ka dhacay hotel Mks ayaa laga soo saaray qodobada soo socda:-

Related posts

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

August 17, 2025
Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025

Odayaayasha iyo waxgaradka waxa ay isla garteen in ay jiraan dhiibatada soo socota:

1- In ay jiraan Tuugo kusoo badanaysa deegaanada ay soomaalida ku badan tahay oo aysan la qabin jaaliyadaha kale ee dalka Uganda ku nool

2- In ay jiraan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhibaato ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee Uganda oo qaab koox koox ah u abaabulan, kuwaas oo isticmaala maandooriyaha qeybahiisa kala duwan

3- In ay jiraan dhalinyaro ka tagtay dhaqankeena suuban ee Soomaaliyeed iyo midkeenii Islaamka kuwaasoo sameeyo falal anshax xumo ah.

Odayaasha Ayaa Isku Raacay Qodobadan

1- In laga wacyo galiyo dhalinyarada maandooriyaha iyo dhaqanka xun ee kasoo horjeeda dhaqankeena Soomaaliyeed.

2- Waxaa la sameeyay guddi ka kooban 36 qof oo isugu jira odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, culumaa’udiinka, iyo ardayda kaasoo u xilsaaran in ay waxka qabtaan caqabadaha kor kusoo xusnay iyagoo kaa shanaya Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

 

 

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo tababar u soo xiray koox ka shaqeeya Amniga Garoomada Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta

Next Post
Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Muqdisho sagootiyay qaar kamid ah ciidamada deegaanka oo arrimo caafimaad u joogay

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada...

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In