Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirka Madasha Ganacsiga Soomaaliya oo looga hadlayey sidii ganacsiga Soomaaliya uu u la jaan-qaadi lahaa ganacsiyada adduunka isla-mar-ahaantaana uu u abuurmi lahaa is-dhex-gal ganacsi oo dhinac walba leh, kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda UNIDO iyo hay’adda dhinaca iskaashiga iyo horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen madax kala duwan, ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ka socday dalalka Caalamka, gaar ahaan wadanka Talyaaniga, ayaa looga hadlay fursadaha jira iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, warshadaha, Kalluumaysiga, xoolaha, dhismaha, Lojistikada iyo waxyaabaha la hal maala.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa sheegay in ujeedka shirkani uu yahay mid daba socda shirar hore u dhex-maray ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga oo guulo waaweyn laga gaaray iyo sidoo kale sidii Ganacsiga Soomaalida loogu heli lahaa suuqyo ganacsi oo caalami ah oo ay u dhoofiyaan wax-soo-saarka dalkooda.

Previous Post

XFS oo go’aamisay in dib looga soo celiyo ciidankii la geeyey Beledweyne

Next Post

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga labada Dowladood “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga labada Dowladood “SAWIRRO”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga labada Dowladood “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In