Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

XFS oo go’aamisay in dib looga soo celiyo ciidankii la geeyey Beledweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
XFS oo go’aamisay in dib looga soo celiyo ciidankii la geeyey Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo  baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Shirka ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada shirka ka qeybgalay, waxaana xoogga lagu saaray in laga hortago cidkasta oo carqaladeynaysa amniga oo ay ugu horeeyaan argagixisada.

Related posts

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026

Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in dib looga soo celiyo ciidankii dhawaan la geeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

“Kadib markii labada Wasiir ay quseysa aan lagu wargelin oo ay la socon geynta ciidamada la geeyay Beladweyne, Golaha Wasiirada falanqeyn iyo dood dheer kadib waxa uu Goluhu isku raacay dhowr qodob oo loogu talagalay in lagu xaliyo xiisadda ka taagan Beladweyne”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

1, In ciidamadaas la geeyay magaalada Beladweyne ee aan la soconin Wasaaradihii mas’uulka ka ahaa ee u xilsaarnaa inay korjoogteeyaan, lana socdaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada, ayaa waxaa taliyeyaasha ciidanka la faray inay si deg deg ah ciidamadaas uga soo saaraan magaalada, dibna loogu celiyo xeryahooda.

Shirka Golaha inta uu socday waxaa Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada la faray in qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah, laga ilaaliyo waxyaabaha sumcad dilka ah ee ugu horeyso in lagu milo arrimaha siyaasadda, isla markaana ciidamada lagu koobo waajibadka ay leeyihiin oo ah inay sugaan amniga guud ee dalka, ilaaliyaana muwaadiniinta.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa xusay in Goluhu uu isku raacay in ciidamada laga dheereeyo shakiga ama ku lug lahaanshiyaha la xiriira inay faragelin ciidamada ku lugleeyihiin loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka oo amnigooda iyo socodsiintooda si gaar ah  mas’uul uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada u soo bandhigay guddi Wasiiro ah oo uu u magacaabay in Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beladweyne ay kala shaqeeyaan dajinta xiisadda ka taagan Beladweyne iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka taagan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga Wasiiro ah oo loogu tagalay inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa arrinta ka taagan magaalada Beladweyne, iyaga oo la shaqeynaya Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beladweyne”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Guddiga Wasiirada ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Khaliif Cabdi Cumar xubin iyo
  5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drs Fowziya Abiikar Nuur

Wasiirada ayaa la faray inay si dhow ula shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo bulshada Beladweyne.

Golaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka Beladweyne ay xaaladda dajiyaan oo ay ka hortagaan waxkasta oo keeni kara isku dhac.

Golaha ayaa Madaxda Wasaaradda Amniga faray inay la yimaadaan qorshe lagu xoojinayo sugidda amniga suuqa bakaaraha iyo  guud ahaan goobaha ganacsiga dalka, maadaama ay isa soo tarayaan hanjabaadda argagixisadu u geysaneyso ganacsatada.

Previous Post

10 Xildhibaan oo lagu doortay Magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb, Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga “SAWIRRO”

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

July 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka...

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In