Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka mudane Maxamed Ibraahim Barre oo ay qeyb ka ahayd Xoghayaha Guud ee Guddiga Fardowsa Mataan Buulle ayaa gaaray magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka bilaabaneyso doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Hiiraan.
Wafdiga waxaa magaalada Beladweyne ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Hirshabeelle.
Sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland, halkaasi oo ka socoto doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana Xubnaha Guddiga looga fadhiyaa u Cadaalad falidda Ummada Soomaaliyeed.