Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maanta oo jimco ah u dalxiistagay xeebta Liido oo muuqaal ahaan ka duwan sideey aheyd todobaadyadii hore.
Boqolaal dadweyne ah oo maanta u dalxiistagay xeebta Liido ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin waqtiga qaaliga ah ee manta oo Jimco ah ay ku bixinayaan xeebtaasi oo bilihii u dambeeyay ay ka socdeen olole nadaafadeed.
Kooxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa ilaa hadda wada olole nadaafadeed oo lagu qaadayo qashinka iyo wasaqda kale ee lagu daadiyo xeebta.