Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saxiixay 10 sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saxiixay 10 sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha  Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26th February 2022, saxiixay hindise sharciyeedyo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug, iyadoo uu sharciyadan sixiixay kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee dowladdda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo maanta goob joog u’ahaa sharciyada la saxiixay.

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

Sharciyada uu maanta sixiixay Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka mid ahaa degmo loo aqoonsaday Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada lasixiixay illaa iyo toban sharci kuwaas oo kala ah.

1- Sharciga Kalluumaysiga

2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka

3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga

4- Sharciga Shirkadaha

5- Sharciga Nootaayada

6- Sharciga Degmaynta Xeraale

7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah

8- Sharciga Shaqaalaha Guud

9- Sharciga Biyaha

10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu kahadlay arimaha doorashada, waxana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb la soo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Gaalkacyo.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan ay yeesheen Guddiga doorashooyiska Qaran ee heer Federaal, isagoo xusay in uu rajeynayo in Kuraasta taalla Gaalkacyo lagu soo gaba-gabeen doono labadaas isbuuc sida ay guddigaba xuseen.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Isimada Maamulkaas “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Next Post
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In