Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika?

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Maxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa  Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka,  amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Previous Post

Shirka Madasha Golaha Horumarinta Qaranka oo maanta Muqdisho lagu soo xiray

Next Post

Koofur Galbeed oo shaacisay doorashada lix kursi

Next Post
Koofur Galbeed oo shaacisay doorashada lix kursi

Koofur Galbeed oo shaacisay doorashada lix kursi

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In