Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab ku laayay duleedka Xuddur.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 1, 2022
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab ku laayay duleedka Xuddur.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay tira intaa ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib weerar gaadmo ahaa oo ay argagixisadu xalay kusoo qaadday difaaca ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin afaafka hore ee degmada Xuddur.

Taliyaha Ururka 175-aad, guutada 9-aad ee xoogga dalka, Maxamed Sankuus iyo Taliyaha sahanka guutada, Aadan Gaabow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay cashar lama illaawaan ah u dhigeen kooxdii weerarka kusoo qaadday, isla markaana ay fashiliyeen dhagartii ay soo maleegeen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Saraakiisha guutada 9-aad ee xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay inay ku raadjoogaan firxadka dhagarqabayaashii soo hajuumay difaaca ciidanka xoogga ee degmada Xuddur, waxayna intaa raaciyeen inaysan dhankooda soo gaarin wax qasaara ah.

Dhainaca kale, taliyeyaasha guutada 9-aad ee xoogga dalka ayaa sheegay inaysan jirin qasaara shacab oo ka dhashay dagaalka marka laga reebo haweeneey dhaawac fudud uu kasoo gaaray rasaastii lays weydaarsanayay, iyadoo xaaladdeeda caafimaadna haatan lagu baxnaaninayo Isbitaalka guud ee magaalada Xuddur.

Previous Post

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka Russia iyo Ukraine.

Next Post

Qaramada midoobay oo sheegtay in Dad Rayid ah lagu laayey Dalka Ukraine

Next Post
Qaramada midoobay oo sheegtay in Dad Rayid ah lagu laayey Dalka Ukraine

Qaramada midoobay oo sheegtay in Dad Rayid ah lagu laayey Dalka Ukraine

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In