Buug ka hadlaya Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo uu qoray Pro Axmed Sheekh Maxamed Kutub ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho .
Soo bandhigidda Buugga Cudurada ku dhaca Geela oo ay qaban qaabdiisu laheyd Jaamacadda Banaadir, isla markaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Dekedaha iyo Xanaanada Xoolaha, Maamulka Jaamacadda Banaadir, Dhakhaatiir, Aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu qoraaga buuga Pro. Axmed Sheekh Maxamed Kutub, wuxuu kusoo bandhigay Cilmi baarista Buugan oo uu sheegay inuu ka sameeyay Seddex Gobol oo kala ah Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana sida Buugga ku xusan Geela Soomaaliya oo dhan 7 Milyan laga helay in kabadan 60 cudur oo kala duwan.
Dhiinka Kuliyadda Cilmiga Xoolaha ee Jaamacadda Banaadir Nuurto Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Pro Maxamed Maxamuud Bideey, ayaa sheegay inay ka Jaamacad ahaan diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan Abuurista xaruun weyn oo lagu baaro Cudurada ku dhaca xoolaha Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin inay dhiirigeliyaan Cilmibaarisyada lagu horumarinayo Caafimaadka Xoolaha.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mahad Maxamed Xasan oo munasabadda soo xiray ayaa sheegay inuu Geela muhiimad weyn ugu fadhiyo Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in la daryeelo.
Sida ku xusan Buuggan Soomaaliya ayaa Boqolkiiba Soddon heysta Geela Caalamka oo lagu qiyaasay 72 Milyan, waxaana xusid mudan inuu Buuggan noqday kii ugu horeeyay ee lasoo bandhigo, loogana hadlo Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya