Allaha u naxariistee Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee golaha shacabka ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xildhibaan Kuulow ayaa bishii hore ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo ku guuleystay kursiga HOP#079, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in marxuum Maxamuud Kuulow dhawaan loo doortay xubin kamid ah baarlamaanka JFS, waxuuna Madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Kuulow, isagoo Alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.