Hindiya ayaa Jimcihii shalay xaqiijisay in si aan ku tala gal aheen ay Gantaallo ugu riday dalka ay muddada colaada ka dhaxeeysay ee Pakistan.
Saraakiisha Pakistan waxay New Delhi ka dalbadeen sharaxaad ku saabsan falkan ay ku tilmaameen inuu yahay mid mas’uuliyadda darrada ah, sidokalana khatar gelin karto amniga gobolka.
War rasmi ah oo ka soo baxay Hindiya ayaa lagu sheegay inta lagu jiro dayactirka caadiga ah, cilad farsamo ay keentay in si lama filaan ah loo rido gantaal.
“Waxaa la ogaaday in gantaalku uu ku dhacay meel ka mid ah dhulka Pakistan,” ayaa lagu yiri bayaanka. “In kasta oo ay dhacdadu tahay mid aad looga xumaado, haddana waxaa guul ah in aysan jirin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay shilka.”
Afhayeenka ciidamada Pakistan Maj-Gen Babar Iftikhar ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiis ugaga hadlay Gantaalada ku soo dhacay dhankooda, isagoo ku tilmaamay xadgudub iyo daandaansi, sidokale waxuu sheegay in gantaalku uu ku dhacay magaalada Mian Channu ee xuduudka bari ee Punjab.