Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Cadaaladda Puntland, Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqul Aadana Puntland iyo Taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidamada Asluubta ayaa xariga ka jaray shaybaar gaar. Shaybaarkaan oo uu yeeelan Doono Xabsiga weyn ee Garoowe ayna weheliyaan Xirfadlayaashii Caafimaad ee ka shaqeyn doonaan.
Mas’uuliyiintaan ayaa siwada jir ah u kormeeray Qaybaha kala duwan ee uu ka koobam yahay xabsiga weyn ee Garoowe gaar ahaan Fasalada ay Maxaabiista. ku bartaan Casharada Diiniga iyo Maadiga wada jira ah,qaybaha Farsamada Gacanta sida Axanka,Barashada Korantada,Dhar tolida,Tuubaystaha iyo Warshada soo saarta qeybaha Bulukeetiga oo dhammaantood ku yaala Gudaha Xabsiga weyn ee Gobalka Nugaal.
Gaanshale Bile Faarax Cali Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland ayaa xusay in shaybaarkaani iyo dhakhaatiirta gaarka ah ee Xabsiga ay ku sameeyeen si isku tashi ah Xabsiguna ka baxay Baahidii Caafimaad ee uu qabay.