Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland oo Shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland oo Shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxwaye ku xigeenka Dowlada Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta Shir guddoomiyey shirka billaha ah ee Golaha Amniga Jubbaland.

Madasha shirka waxaa ka soo qayb galay Golaha Amniga Jubbaland oo ka kooban Madaxweyne ku xigeenka 2aad, Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, Wasaaradaha Amniga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Caddaaladda, Taliyayaasha Ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka, Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiil kale.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland, iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan, taas oo sida la wada xusuusan yahay kooxaha nabad-diidku in ay labo-jibaarraan falalkooda amniga liddiga ku ah bisha Soon.

Golaha Amniga Jubbaland ayaa waxay boggaadiyeen howlgalada nabadgelyada lagu xaqiijinayo ay wadaan laamaha amniga, waxayna isla qaadeen in la xoojiyo howlgalada si dhabarka looga jebiyo dhagarta kooxaha nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Sicir bararka oo dhibaato ba’an ku haya qeybaha kala duwan ee bulshada goluhu ka doodeen, waxaana la go’aamiyey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto sicirka hoosna loo dhigo qiimaha macayshadda kala duwan oo hadda aad u sarreeya.

         Qodobada uguwaa wayn waxaa kamid ahaa:

  1. In la joogteeyo shirarka amniga si xogta amniga u noqoto mid xilligeeda la helo loona bedelo ficil.
  2. In si deg deg ah wax looga qabto sicir bararka baahsan ee hadda jira, guddina loo saaro sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha macayshadda ee kor u kacay.
  3. In Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalku ay qabato shirar lagu xallinayo khilaafaadka bulshada kala gaaray ee ka dhashay loolanka doorashada.
  4. In laamaha amnigu ay Wasaaradda Caddaaladda garab ka siiyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo anshax xumada ka dhacda xeebaha loo dalxiis tago ee magaalada Kismaayo.

Previous Post

Xabsiga weyn ee Garoowe oo laga furay qeyb shaybaar ah “SAWIRRO”

Next Post

Tababar loo soo xiray Ciidanka Asluubta Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Tababar loo soo xiray Ciidanka Asluubta Puntland “SAWIRRO”

Tababar loo soo xiray Ciidanka Asluubta Puntland “SAWIRRO”

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In