Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Maamulka Iyo Xakameynta Hubka oo Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Shir looga hadlayo Maamulka Iyo Xakameynta Hubka oo Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Xubno ka socday saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga.

Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa waxaa lagu lafo gurayaa daadejinta iyo dardar gelinta hirgelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaamadinta/suntidda iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso in looga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran dalka.

Related posts

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026

Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka war bixisay ujeeddada shirka iyo guulihii laga gaaray habraacyada Maamulka Hubta iyo Rasaasta, iyadoo la raacayo wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu soo saaray sannadkii 2018-kii.

Dhanka kale Wasiirradda, Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Cali Qalloocow, oo hadal ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka.

Markii uu Shirku maalintiisii koowaad soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Gacaliye, isaga oo Faahfaahiyey muhiimadda uu shirkan leeyahay iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo, taasoo waxtar weyn u noqon doonta dowlad dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha Amniga dalka.

Previous Post

Tababar loo soo xiray Ciidanka Asluubta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

R/W Rooble oo Guddiga doorashada FEIT kala hadlay hirgelinta Sahaado siinta Xildhibaannada

Next Post
R/W Rooble oo Guddiga doorashada FEIT kala hadlay hirgelinta Sahaado siinta Xildhibaannada

R/W Rooble oo Guddiga doorashada FEIT kala hadlay hirgelinta Sahaado siinta Xildhibaannada

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka taleefanka ah...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a...

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026
0

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Shaatax, ayaa shalay iyo maanta ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In