Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Maamulka Iyo Xakameynta Hubka oo Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Shir looga hadlayo Maamulka Iyo Xakameynta Hubka oo Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Xubno ka socday saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga.

Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa waxaa lagu lafo gurayaa daadejinta iyo dardar gelinta hirgelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaamadinta/suntidda iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso in looga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran dalka.

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka war bixisay ujeeddada shirka iyo guulihii laga gaaray habraacyada Maamulka Hubta iyo Rasaasta, iyadoo la raacayo wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu soo saaray sannadkii 2018-kii.

Dhanka kale Wasiirradda, Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Cali Qalloocow, oo hadal ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka.

Markii uu Shirku maalintiisii koowaad soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Gacaliye, isaga oo Faahfaahiyey muhiimadda uu shirkan leeyahay iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo, taasoo waxtar weyn u noqon doonta dowlad dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha Amniga dalka.

Previous Post

Tababar loo soo xiray Ciidanka Asluubta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

R/W Rooble oo Guddiga doorashada FEIT kala hadlay hirgelinta Sahaado siinta Xildhibaannada

Next Post
R/W Rooble oo Guddiga doorashada FEIT kala hadlay hirgelinta Sahaado siinta Xildhibaannada

R/W Rooble oo Guddiga doorashada FEIT kala hadlay hirgelinta Sahaado siinta Xildhibaannada

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In