Maamulka degmada gaalkacyo oo muddooyinkii u danbeeyay ku howlanaaa haggaajinta bilicda magaalada gaalkacyo iyo ilaalinta nadaafada bulshada ayaa maanta bilaabay qorshe dib habaynaayo,loogu tala galay in lagu gubo qashinka laga qaado gudaha magaalada. kuwaas oo ugu horrayn maamulka u gadiyaariyay duleedka magaalada Gaalkacyo kadib markii ay buuxsameen goobihii hore.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ay wehliyeen Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Daahir Maxamuud Cilmi iyo Guddoomiyaha xaafada howlwadaag ee magaalada gaalkacyo Mahad Maxamuud Warsame Samawade ayaa kormeeray goobahaasi ,iyagoo intii ay halkaasi ku sugnaayeen qiimeeyn ku sameeyay qaabka ugu haboon ee loo balaarin karo goobahaasi .
Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Daahir Maxamuud Cilmi ayaa kormeerka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka , isagoona ka warbixiyay u jeedka kormeerka iyo dadaalka maamulka ugu jiro haggaajinta bilicda,isagoona dhanka kale sheegay in bulshada ay ka codsanayaan in lagala shaqeeyo maamulka ilaalinta Nadaafada.