Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Maareynta mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Maareynta mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hagidda Mashaariicda Midowga Yurub ee NAO-Soomaaliya ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaaha ee Xukumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furtay kullan aqoon-is-weedaarsi ku aadan habka maaraynta mashaariicda Midowga Yurub ka waddo Soomaaliya. Iyada oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Mudane Mursal Khalif, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Jubbalanad, Cabdi Maxamed Dhaqane, ku-simaha Madaxa Xafiiska NAO-da ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Howl-wadeenno ka socday Wasaaraddaha kala gadisan ee Maamul Goboleedka Jubbaland.

Kullanka oo socon doonno muddo saddex cisho ah ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah; hannaanka loo curiyo mashaariicda, maamuliddoda, qaabka loo qiimeeyo iyo sida dowlad gobaleedka Jubbaland uga faa’iideysatay Mashruuca horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay ‘ILED’.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Ku simaha Madaxa Xafiiska Hagidda Mashaariicda Midowga Yuurb ee NAO-da ee Wasaaradda Qosheynta, Mudane Cabdi Muxumed Axmed ayaa sharaxay howlaha uu qabto xafiiska NAO-da, isagoo xusay in muhiimad gaarah uu u leeyahay bulshada Jubbaland aqoon-is-weedaaarsigan maanta furmay .

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbalanad, Mudane Mursal Khaliif ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in tababarkaan muhiim u yahay Hay’addaha dowlad goboleeddyada dalka oo ay Jubbaland ugu horeyso, isla markaana looga baahan yahay in ay si wannaagsan uga faa’iideystaan howl-wadeennada ka socda Hay’addaha aas-aasiga u ah bulshada ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Previous Post

Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray xoojinta Iskaashiga Waxbarashada “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Duulista Hawada oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Galdogob “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Duulista Hawada oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Galdogob “SAWIRRO”

Wasiirka Duulista Hawada oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Galdogob "SAWIRRO"

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In