Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

M. Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Aamina oo ku shahiiday qarax lala eegtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
M. Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Aamina oo ku shahiiday qarax lala eegtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo ku shihiidday qarax ay kooxda arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi caawa kula eegteen magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha oo sidoo kale tacsi u diray ehelada masuuliyiinta iyo muwaadiniinta kale ee Ku geeriyoodey qaraxa, ayaa falkaas arxan darrada ah ku tilmaamay mid bahalnimo ah, oo ka tarjumaya dhagarta kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed ee birimageydada ah.

Related posts

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda iyo muwaadiniinta kale, Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

Previous Post

RW Rooble oo war ka soo saaray dilka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi

Next Post

Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka

Next Post
Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka

Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In