Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa magaalada Washington kulamo kula yeeshay masuuliyiinta ka tirsan Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo Waaxda arrimaha Dibaddda iyagoo ka wadahadlay arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, barnaamijka deyn cafinta iyo taageerada dhanka soo kabasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada dhammaystirka doorashada dalka si loo sii xoojiyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee socda iyo si loo gaaro dhammaystirka barnaamijka Deyn cafin Soomaaliya marka laga gaaro barta dhammaystirka (Completion Point-ka).

Related posts

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026

“Waxa aan Washington kulamo kala duwan kula yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Dibadda iyo Hey’adda gargaarka ee USAID.

Waxa aan diiradda wadahadalka ku saarnay arrimo ku saabsan dadaalada Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta iyo hufnaanta hanaanka Maamulka Maaliyadda dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Masuuliiyiinta ka socday Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ballanqaaday in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan horumarka dhaqaalaha iyo sii wadid arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda.

Shirkaan sidoo kale waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Hey’adda horumarinta calaamiga ah ee USIAD oo Soomaaliya ka fulisa mashaariic kala duwan oo dhanka dowlad wanaagga, Waxbarashada iyo shaqa abuurka.

Previous Post

M. Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Aamina oo ku shahiiday qarax lala eegtay

Next Post

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Next Post
Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

July 11, 2026
0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In