Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay xubno sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa magaalada Washington kulamo kula yeeshay masuuliyiinta ka tirsan Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo Waaxda arrimaha Dibaddda iyagoo ka wadahadlay arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, barnaamijka deyn cafinta iyo taageerada dhanka soo kabasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada dhammaystirka doorashada dalka si loo sii xoojiyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee socda iyo si loo gaaro dhammaystirka barnaamijka Deyn cafin Soomaaliya marka laga gaaro barta dhammaystirka (Completion Point-ka).

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

“Waxa aan Washington kulamo kala duwan kula yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Dibadda iyo Hey’adda gargaarka ee USAID.

Waxa aan diiradda wadahadalka ku saarnay arrimo ku saabsan dadaalada Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta iyo hufnaanta hanaanka Maamulka Maaliyadda dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Masuuliiyiinta ka socday Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ballanqaaday in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan horumarka dhaqaalaha iyo sii wadid arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda.

Shirkaan sidoo kale waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Hey’adda horumarinta calaamiga ah ee USIAD oo Soomaaliya ka fulisa mashaariic kala duwan oo dhanka dowlad wanaagga, Waxbarashada iyo shaqa abuurka.

Previous Post

M. Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Aamina oo ku shahiiday qarax lala eegtay

Next Post

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Next Post
Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In