Shir madaxeedkii labada maalmood socday ee wasiirrada arrimaha dibadda ururka iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Arbacadii lagu soo gebagebeeyey caasimadda Pakistan Islamabad, iyadoo lagu go’aamiyey in “kor loo qaado lana ilaaliyo” danaha guud ee dunida Muslimka, laguna taageero arrimaha Falastiin. iyo Kashmir.
Shir madaxeedka 48-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro arrimo dibadeed iyo wufuud ka kala socotay 57 dal oo Islaami ah iyo goobjoogayaal.
“Wax aan dhiirigelinaynaa qiyamka sharafta leh ee Islaamka iyo fikradaha lagu qeexay Axdiga OIC; waxay ku qotomaan mabaadi’da iyo ujeedooyinka Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in la midayn doono dadaallada wax looga qabanayo caqabadaha guud ee soo wajaha dunida Muslimka, iyo in la ilaaliyo “xuquuqda iyo danaha” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalalka aan OIC ahayn.
Baaqa shirka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah soo jeedin ah in la qabto shir heer wasiir ah oo la qabto dabayaaqada sanadkan ama kan xiga si xal loogu helo loona horumariyo habab looga hortago isku dhacyada.