Xaalada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta deggen, waxaana socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo kadib qaraxyo is xig-xiga oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baladweyne.
Ku simaha Taliyaha Booliska degmada Beledweyne, Bashiir Caddaaniย ayaa sheegay in qaraxii hore uu fuliyay qof watay jaakad lagu xiray walxaha qarxa, halka kan kalena loo adeegsaday gaari Nooha ah.
Qaraxa koowaad oo ka dhacay xerada Lama-galaay ayaa waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd baarlamaankii 10-aad, xildhibaan hore, Cali Cabdi Dhuxul oo haatana ka mid ahaa musharaxiinta u tartamaya kursiga HOP#058 iyo siyaasiyiin kale.
Waxaana sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Maxamed Cumar Xaashi Aaden oo isna ahaa murashax xildhibaan.
Qarax kale ee loo adeegsaday gaariga Noohada ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 qof oo u badan rayad, waxaa uu burbur xooggan soo gaaray Isbitaalka guud ee magaalada iyo goobo ganacsi.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne ayaa loo qaaday Isbitaallada guud ee magaalada, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdoodda.
Taliye Bashiir Caddaani ayaa sheegay inay wadaan tira koobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarradaasi, wuxuuna intaa ku daray in ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo ka dhan ah argagixisada.