Friday, November 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka C/casiis iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee C/casiis iyo Deyniile  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025

C/casiis

Tartameyaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Deyniile,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada C/Casiis ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Deyniile

Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay C/Casiis, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Deyniile waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka ka reebeen dhigooda C/casiis, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo aqoonta ay ku tartameen.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Shangaani iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Previous Post

Guddiga FEIT oo shahaadooyin guddoonsiiyay Xildhibaanno, baaqna u diray kuwa maqan “SAWIRRO”

Next Post

laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Gaari siday waxyaabaha qarxa

Next Post

laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Gaari siday waxyaabaha qarxa

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda...

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

November 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

November 20, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In