Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warqadaha dal ku galka ah kala noqotay Danjirihii dhawaan ay Xukuumadda Soomaaliya ka ceyrisay dalkeenna, kaasi oo faraha la galay arrimo ka baxsan shaqada loo igmaday, iyagoo lafaray Hay’adaha Amniga, gaar ahaan kuwa ka howlgalla Garoonka Aaden Cadde in Danjire Francisco Madiera aanu soo geli karin dalka, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

“Anigoo tixraacaya warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dalka looga ceyriyay Danjire Francisco Madeira,

Waxaan farayaa Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay hay’addu kala laabato waraaqaha dalka ku jooga, kuna wargeliso Danjire Francisco Madeira, dib dambana looma siin karo waraaqaha dalka ku galka ah, sidoo kale waxaa agaasimaha hay’adda Socdaalka la farayaa in uu ku wargeliyo dhamaan cidda ay quseyso in Danjire Francisco Madeira aan dalka la keeni Karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Waxaa la farayaa hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aadan Cadde in Danjire Francisco Madeira aanu soo geli karin dalka,  maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa lana farayaa inay fuliyaan dhamaan hay’adaha sare ku xusan gaar ahaan kuwa amniga, Socdaalka iyo jinsiyadda iyo Maareeyaha garoonka in si kumeel gaar ah loo xiray dhamaan howlihii terminal-ka MoveCon, ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Previous Post

Maxaa kala socotaa tirada Xildhibaannada ee qaatay shahaadada Xildhibaannimo

Next Post

Tartamayaasha Degmada Marka oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Marka oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Marka oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In