Guddiga Qiimeynt iyo Xaqiijinta Xarumaha Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, ayaa booqday degmada Afgooye, si ay-u-qiimeeyaan goobaha loo asteeyay in ay Ardaydu ku galaan Imtixaanaanka Fasalka12,aad ee Sanad Dugsiyeedka 2021/2022,
Guddiga oo isugu jira xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Dowlad Goboleedka KGS iyo Maamulka Degmada Afgooye, ayaa soo kormeeray xarumaha loo qorsheeyay in ay Ardaydu ku galaan Imtixaanaanka Fasalka 12,aad ee dalka kaasi oo dhawaan ka dhici doona guud ahaan dalka, ayna qaadi doonto Wasaaradda Waxbarashadda DFS.