Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay qeybta Saalada Qalliinka ee Isbitaal Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay qeybta Saalada Qalliinka ee Isbitaal Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saalooyinkan oo lagu fulin doono qaliimada ay u baahanyihiin bukaanada soo booqda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isla markaana shaqeyn doonta afar iyo labaatanka saac ayaa waxaa dib u habeyn iyo qalabeynba ku sameysay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxaana munaasabad kooban oo lagu daahfurayey ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Maamulka Isbitaal Banaadir, dhakhaatiirta iyo qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in dayactirka Saaladan ay qeyb weyn ka qaadan doonto howlaha baaxada leh oo ay bukaanada u hayaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fei Shengchao (Feey Shenshaaw) ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageeridda Isbitaal Banaadir oo la xusuusto inay dhiseyn sanadkii 1977.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa Madaxda safaarada China ee Soomaaliya uga mahadcelisay dib u habeynta Saalada Qaliinka ee Isbitaal Banaadir, waxayna dhinaca kela ku baaqday in ilgaara lagu hayo Isbitaal Banaadir oo shaqo hufan u haya  Dadka bulshada ugu nugul.

Isbitaal Banaadir oo ay Dowladda dib u howlgalisay 6 February 2019 ayaa si maalinle ah u qaabila in kabadan laba boqol oo bukaan oo isugu jira Hooyo iyo dhallan, kuwaas oo si bilaasha loo dabiibo.

 

Previous Post

Cilmi Cali oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In