Monday, May 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay qeybta Saalada Qalliinka ee Isbitaal Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay qeybta Saalada Qalliinka ee Isbitaal Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saalooyinkan oo lagu fulin doono qaliimada ay u baahanyihiin bukaanada soo booqda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isla markaana shaqeyn doonta afar iyo labaatanka saac ayaa waxaa dib u habeyn iyo qalabeynba ku sameysay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxaana munaasabad kooban oo lagu daahfurayey ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Maamulka Isbitaal Banaadir, dhakhaatiirta iyo qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in dayactirka Saaladan ay qeyb weyn ka qaadan doonto howlaha baaxada leh oo ay bukaanada u hayaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fei Shengchao (Feey Shenshaaw) ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageeridda Isbitaal Banaadir oo la xusuusto inay dhiseyn sanadkii 1977.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa Madaxda safaarada China ee Soomaaliya uga mahadcelisay dib u habeynta Saalada Qaliinka ee Isbitaal Banaadir, waxayna dhinaca kela ku baaqday in ilgaara lagu hayo Isbitaal Banaadir oo shaqo hufan u haya  Dadka bulshada ugu nugul.

Isbitaal Banaadir oo ay Dowladda dib u howlgalisay 6 February 2019 ayaa si maalinle ah u qaabila in kabadan laba boqol oo bukaan oo isugu jira Hooyo iyo dhallan, kuwaas oo si bilaasha loo dabiibo.

Previous Post

Cilmi Cali oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In