Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

July 7, 2026

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare inay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

Previous Post

Sawirro: DF Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

July 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim...

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

July 6, 2026
0

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur ( Ameriko), ayaa ka qayb galay kulan ay soo Agaasimeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

July 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In