Sunday, November 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

November 15, 2025
Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

November 15, 2025

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare inay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

Previous Post

Sawirro: DF Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa caawa si rasmi ah u daahfuray in...

Ra’iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

Ra’iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay xalay ku...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dayactirka iyo dhismaha xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dayactirka iyo dhismaha xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In