Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 26, 2022
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare inay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

Previous Post

Sawirro: DF Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In