Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare inay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

Previous Post

Sawirro: DF Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In