Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay mid ka mid ah Horjoogeyaasha Kooxda Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Weeraradda, iasagoo muddo 8-sano uu ka tirsanaa, wuxuuna Horjooge u ahaa koox Jabhad ah oo tira ahaan uu ku sheegay 400-maleeshiyo oo dhibaateynayey Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaana horjoogahaan uu sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, Waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Koxdii Maleeshiyaadka ahaa ee uu ka tirsanaa oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & 1-beekam ah.
Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey Ciidamada Nabdsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhallinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona sheegey fikir xagjirnimo ah ay wada fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid noqdaan Shacabkooda.
Horjooge Ciise Cumar ayaa sheegey in Maleeshiyaadka lagu akhriyo fikir ah in Gobolada Koonfur Galbded keliya ay go’doomiyaan oo Bulshada ay ku dhibaateeyaan, taasina uu ku tilmaamay inay aheyd fikir xagjir ah oo qaldan, wuxuuna ugu baaqey inay dib ula midoobaan shacabkooda oo fikirka qaldan ay kasoo baxaan.