Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hambalyo u diray guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri
“Hambalyo ayaan leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday”.