Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Wasiir Dubbe oo arrimo muhiim ah kala hadlay wasiirka warfaafinta Itoobiya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Wasiir Dubbe oo arrimo muhiim ah kala hadlay wasiirka warfaafinta Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Senator Cusmaan Abokor Dubbe oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan dheer xafiiskiisa kula qaatay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Ethiopia Dr. Legesse Tulu.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in wasiirka warfaafinta Itoobiya ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada Warbaahinta iyo khibrad wadaagga Warfaafinta.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

“Wasiirku wuxu qiray in Soomaalidu xilligan aad ugu horreeyaan Warbaahinta Cusub ee Social Media ha, halka Ethiopia ay ku xooggan tahay Warbaahintii soo jireenka ahayd ee Mainstream Media ha loo yaqaan,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Dubbe.

Sidoo kale labada wasiir waxay ka wada hadleen dhibaatada iyo fitnada ay wararka been abuurka ah ee ‘Fakenews’ ku hayaan amniga iyo dowladnimada iyo sidii wadajir looga hortegi lahaa.

“Waxanu isla garanay muhiimadda ay Gobolka Geeska ugu fadhido iskaashiga labada wadan ee Somalia iyo Ethiopia, gaar ahaan dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Warbaahinta. Heshiisyo arimahaas ku saabsan in mustaqbalka dhow la wada galo ayaanu ku heshiinay Wasiir Legesse Tulu,” ayuu qoraalkiisa ku sii daray wasiir Cusmaan Dubbe.

Kulankaan waxaa Wasiirka Warfaafinta JFS ku weheliyey Safiirka dalkeenna u dhafiya Ethiopia Ambassador Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaraddda Cabdullahi Cabdirisaaq.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo qaabilay xubno ka socday ururada bulshada

Next Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Maxamuud Sayid Aadan

Next Post
Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Maxamuud Sayid Aadan

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Maxamuud Sayid Aadan

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In