Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Wasiir Dubbe oo arrimo muhiim ah kala hadlay wasiirka warfaafinta Itoobiya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Wasiir Dubbe oo arrimo muhiim ah kala hadlay wasiirka warfaafinta Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Senator Cusmaan Abokor Dubbe oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan dheer xafiiskiisa kula qaatay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Ethiopia Dr. Legesse Tulu.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in wasiirka warfaafinta Itoobiya ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada Warbaahinta iyo khibrad wadaagga Warfaafinta.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Wasiirku wuxu qiray in Soomaalidu xilligan aad ugu horreeyaan Warbaahinta Cusub ee Social Media ha, halka Ethiopia ay ku xooggan tahay Warbaahintii soo jireenka ahayd ee Mainstream Media ha loo yaqaan,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Dubbe.

Sidoo kale labada wasiir waxay ka wada hadleen dhibaatada iyo fitnada ay wararka been abuurka ah ee ‘Fakenews’ ku hayaan amniga iyo dowladnimada iyo sidii wadajir looga hortegi lahaa.

“Waxanu isla garanay muhiimadda ay Gobolka Geeska ugu fadhido iskaashiga labada wadan ee Somalia iyo Ethiopia, gaar ahaan dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Warbaahinta. Heshiisyo arimahaas ku saabsan in mustaqbalka dhow la wada galo ayaanu ku heshiinay Wasiir Legesse Tulu,” ayuu qoraalkiisa ku sii daray wasiir Cusmaan Dubbe.

Kulankaan waxaa Wasiirka Warfaafinta JFS ku weheliyey Safiirka dalkeenna u dhafiya Ethiopia Ambassador Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaraddda Cabdullahi Cabdirisaaq.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo qaabilay xubno ka socday ururada bulshada

Next Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Maxamuud Sayid Aadan

Next Post
Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Maxamuud Sayid Aadan

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Maxamuud Sayid Aadan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In