Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay ururada bulshada rayidka (SONSA), wuxuuna boggaadiyay doorka muhiimka ah ay ku leeyihiin dib u-dhiska dalka iyo ka shaqeynta dib-u-heshiisiinta.
Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Mudane Cusmaan Macalin Muxuyadiin (Shaatax) ayaa marka hore salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in bulshada rayidka ah kala shaqeyn doonaan baarlamaanka horumarinta dalka iyo geedi socodka doorashada Madaxweynaha dalka.