Wednesday, July 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo: Maamulka Dhuusamareeb oo ka warbixiyey dagaalkii maanta

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
May 13, 2022
in Wararka
0
Daawo: Maamulka Dhuusamareeb oo ka warbixiyey dagaalkii maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa caawa Maqribkii soo gaaray dagaal qaatay 13 saacadood oo waaberigii hore ee jimcihii saakay ka bilowday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Saraalkiishii hoggaaminaysay ciidamada dowladda ee maanta Dhuusamareeb ka dagaalamay ayaa noo xaqiijiyey in hadda lasoo gabagabeeyey dagaalka oo magaalada laga saaray ciidamadii Ahlu-Sunna.

Related posts

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

July 30, 2025
Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

July 30, 2025

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor Gor ayaa galabta si nabad ah kula wareegay degaanka Bohol oo ciidanka Ahlu-Sunna ay ka soo duuleen shalay galab.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, oo warbaahinta la hadlay sheegay in magaaladu ay nabad tahay, dadkii ka qaxayna ay ku soo laaba karaan, maadaama ay ciidamada dowladda, si buuxda gacanta ugu hayaan.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ayaa sheegay in guddi soo baara ay u xil-saari doonaan, oo dib ay kasoo shaaci doonaan xogta khasaaraha oo dhameystiran.

Ciidamadii Dhuusamareeb soo weeraray ee Ahlu-Sunna ayaa labo jiho galabta uga baxay magaalada, kadib markii looga tag roonaaday dagaalka, waxayna u bixeen dhanka bari iyo galbeedka magaalada, waana labadii jiho ee markii hore ay kasoo weerareen.

Saraakiisha aan la hadalnay waxay noo sheegeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal ay ka furteen kooxda, isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan, sidoo kalena ay faahfaahin buuxda ka bixi doonaan dagaalkii maanta.

Waxaa jira khasaare xoog leh oo dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanyeed leh, balse ilaa hadda ma jirto koob rasmi ah oo la sameeyey, waxaana magaalada horay uga cararay inta badan dadkii ku noolaa oo habeenadii lasoo dhaafay digniino hor dhac ah ka helay xooggaga Ahlu-Sunna.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/0O5EXol2W8Y?t=1

Previous Post

Hey’adda CARE oo sheegtay abaaraha dalka ka jira in ay saameeyeen Waxbarashada

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

July 30, 2025
0

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon...

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

July 30, 2025
0

Eray bixinta lagu cabbiro xasaradaha Geeska Afrika ayaa is beddeleysa. Muddo tobannaan sano ah, waxaa lagu sifeeyay siyaasad iyo colaado....

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

July 30, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xalay booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

July 29, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa kaga qeybgalay munaasabadda saxiixa iskaashi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In