Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo dardaaran u dirtay xildhibaanada Soomaaliyeed, ka hor doorashada

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Beesha Caalamka oo dardaaran u dirtay xildhibaanada Soomaaliyeed, ka hor doorashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saaxafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa fariin loogu diray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo berri dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay damiirkooda kaashadaan oo waajibkooda dastuuriga ah ay u gutaan, si madax-banaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

“Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa xildhibaanada ugu baaqday inay codkooda siiyaan musharax samata-bixi kara Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Wakiillada soo saaray qoraalkaan ayaa Soomaaliya u kala jooga dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Previous Post

Xuska 15ka May oo lagu qabtay xarunta Dhallinyarada “SAWIRRO”

Next Post

Taliska Booliska oo waqtiga u kordhiyay xilliga Bandowga bilaabanayo

Next Post
Taliska booliska oo shaaciyay in lacag fara badan lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

Taliska Booliska oo waqtiga u kordhiyay xilliga Bandowga bilaabanayo

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In