Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Dalka oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Madaxda Dalka oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Xafiiska jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, kana yeelo mid sii amba-qaada horumarka baaxadda leh ee uu ku tallaabsaday dalku.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

August 2, 2026
Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed iyo dhabar adaygga ay muujiyeen inta ay socotay doorashadu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah halganka ay u galeen sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyagoo habeen iyo maalinba u taagan difaaca sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee uu hoggaaminayey, isagoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidokale Raโ€™iisul Wasaare XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ay doorteen BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo masโ€™uuliyadda qaran ee loo igmaday ayuu yiriโ€ Rooble.

โ€œWaxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti laโ€™aanta ahayd.

Waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaallaโ€

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isna dhankiisa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Baarlamaanka labada Aqal ay u doorteen mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo noqanaya madaxweynaha 10-aad ee JFS. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee dalka soo hoggaamiyay.

Guddoomiyaha ayaa Allah uga baryay madaxweynaha in uu xilka uu ku guuleystay ku asturo.

Previous Post

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee JFS

Next Post

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo degaanno kala wareegay Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo degaanno kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo degaanno kala wareegay Al-Shabaab

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

August 2, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-xidigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Magacaabistan...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In