Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay welinayaan Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasime Waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer Nidaamiyaha labaad ee lagu dhaqan-gelinayo sharciga shirkadaha Soomaaliya(Sharci Lambar 18 oo soo baxay 2019).

Xeer nidaamiyahan labaad oo Wasaaraddu ka soo shaqeynaysay muddooyinkii u dambeeyey isla-mar-ahaantaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa lagu saleeyey siddii uu u dabooli lahaa baahiyaha dhinaca fududeynta diiwaan-gelinta iyo habraaca la xidhiidha wax-ka-beddelka shirkadaha iyo weliba dhammeystirka ama dhaqan-gelinta habka onlaynka ah ee lagu dalbado diiwaan-gelinta shirkadaha kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ka dib markii uu saxiixay faah-faahin ka bixiyey xeer nidaamiyahan labaad, ayaa tilmaamay in uu fursad u noqon doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah, isla-mar-ahaantaana uu u fududeyn doono hawlahooda ganacsi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda, ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda oo qeyb-weyn ka qaatay diyaarintii iyo daah-furista lagu sameeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya kaas oo noqday barnaamij guulaystay oo wax weyn ka taray fududeynta ganacsiga dalka, isla-mar-kaana uu qofka ganacsadaha ahi uu shirkaddiisa diiwaan-gashan karo isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo ama gurigiisaba.

Previous Post

RW Rooble oo ka qeybgalidoona tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka

Next Post

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In