Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay welinayaan Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasime Waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer Nidaamiyaha labaad ee lagu dhaqan-gelinayo sharciga shirkadaha Soomaaliya(Sharci Lambar 18 oo soo baxay 2019).

Xeer nidaamiyahan labaad oo Wasaaraddu ka soo shaqeynaysay muddooyinkii u dambeeyey isla-mar-ahaantaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa lagu saleeyey siddii uu u dabooli lahaa baahiyaha dhinaca fududeynta diiwaan-gelinta iyo habraaca la xidhiidha wax-ka-beddelka shirkadaha iyo weliba dhammeystirka ama dhaqan-gelinta habka onlaynka ah ee lagu dalbado diiwaan-gelinta shirkadaha kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ka dib markii uu saxiixay faah-faahin ka bixiyey xeer nidaamiyahan labaad, ayaa tilmaamay in uu fursad u noqon doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah, isla-mar-ahaantaana uu u fududeyn doono hawlahooda ganacsi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda, ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyey qaar ka mid ah masโ€™uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda oo qeyb-weyn ka qaatay diyaarintii iyo daah-furista lagu sameeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya kaas oo noqday barnaamij guulaystay oo wax weyn ka taray fududeynta ganacsiga dalka, isla-mar-kaana uu qofka ganacsadaha ahi uu shirkaddiisa diiwaan-gashan karo isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo ama gurigiisaba.

Previous Post

RW Rooble oo ka qeybgalidoona tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka

Next Post

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In