Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay ka wadaย hadleen arrimaha dalka.
Masโuuliyiinta ayaa waxay si gaar ah uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo amba-qaadista hannaanka dowladnimadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay madaxda kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kuwaasi oo uu kala hadlayay xaaladaha dalka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.