Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya marwo, Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed, Agaasimaha Gargaarka iyo lataliyaha Xiriirrada Guud ee Wasaaradda Gargaarka ayaa maanta Kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg Degga ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo markii ugu horreysay dalka laga hirgelinayo.
Xarumaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg degga ayaa si dar-dar ah u socda dhismahooda oo haatan meel gabo gabo ah maraya.
Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in dhismaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ee Wasaaradda Gargaarka lasoo gabogabeyn doono dhamaadka sanadkan, wixii xilligaas ka dambeeyan shacabka loogu adeegi doono.