Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala duwanaa ee u istaagay in dalkaan ay si nabad ah uga dhacdo doorashooyin madaxtinimo.
Munaasabadda oo ku qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxa uu madaxweynuhu ku bogaadiyay guddiyada shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.
Munaasabaddaan, waxaa kaloo ka qayb galay, Guddoonka labada gole ee BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.