Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Beeraha Galmudug oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Beeraha Galmudug oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaradda Qorsheynta Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Federaalka iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay dhismaha xafiisyada Wasaradda Beeraha oo laga dhisayo xaruntii hore ee daaqa Qaranka.

Mashruucan oo uu maalgelinayo bangiga adduunka, qaybna ka ah Barnaamijka horumarineed ee Biyoole ayaa waxaa qaybtiisa dhismaha Xafiisyada Wasaradda Beeraha ka waramey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Cabbdullaahi Cumar Aadan oo sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dhismaha xarumaha dowladda ee Galmudug.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi-Salaad Cali Cabdi iyo Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa sheegay in howshani qayb ka tahay dadaallada dib loogu dhisayo xarumo dhowr ah oo ay yeeshaan Wasaraddaha qaybta ka ah Mashruuca Biyoole.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan ayaa hoosta ka xariiqay in xafiisyada ay noqon doonaan kuwa loogu adeego bulshada, maadaama haatan aysan heysan xarumo ku filan oo bulshada loogu adeegi karo.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray fariisamaha Ciidanka gobolka Baay

Next Post

Maamul cusub oo loo magacaabay Deegaan Xebeedka Jasiira

Next Post
Maamul cuusb oo loo magacaabay Deegaanka Jaziira ee Degmada Afgooye

Maamul cusub oo loo magacaabay Deegaan Xebeedka Jasiira

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In