Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka barakacay Abaaraha kajira Soomaaliya

caqiil by caqiil
June 8, 2022
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka barakacay Abaaraha kajira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah xiriiraya hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof. Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee abaarta uga sii daray ay ka mid tahay, iyada oo aanay Soomaaliya si fiican u helin roobabkii la filayey muddo afar xilli ah oo isku xigay, taasoo keentay inay Soomaaliya ka dhacdo abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah. Waxaa sidoo kale walaac badan laga muujinayaa qiimaha cuntada oo Iyana cirka isku shareeray, halka ay xadidan tahay kaalmada bini’aadanimo ee loo fidiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025

Xiriiriyaha hawalaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiimaynta ay sameeyeen ay muujinayso in illaa 850,000 oo qof in ay guryahooda ka barakaceen, si ay noloshooda iyo xoolahooda ugu raadsadaan waxay cunaan ama cabbaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xogaha ay hayaan ay muujinayaan in illaa 8 deegaan oo Soomaaliya ka mid ah, inay abaaruhu si daran u saameeyeen kuwaas oo halis ugu jira inay ka dillaacdo macaluuli, goobahaas ayaa badankoodu waxay ku yaallaan Koonfurta dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xasilooni darrada iyo colaadaha kale oo keenay inay adkaato in gargaarka la gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in xilliga uu warbaahinta la hadlayey in illaa 7.1 million oo qof oo Soomaali ahi inay abaaruhu saameeyeen, tiradaas oo ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya. Halka 213,000 oo ka mid ah ay qarka u saaran yihiin xaalad gaajo iyo macaluuleed, taasoo muujinaysa in tiradaasi 60% ay kor u kacday tan iyo bishii April ee sannadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haweenka, caruurta iyo dadka waayeelka ahi inay yihiin kuwa ay abaaruhu sida ugu daran u saameeyeen. Illaa 1.5 milion oo caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 5 sano ayaa waajahaya xaalad nafaqo darro.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in tan iyo bartamihii sannadkii 2021 in xoolo gaaraya illaa 3 million oo neef inay u dhinteen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelanaysaa noloshii dadka reer baadiyaha ahaa, iyo weliba hoos u dhac ku yimaadda waxsoosaarkii hilibka iyo caanaha xoolaha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duruufaha ka dhashay abaaruhu inay keeneen xaalado caafimaad darro, iyaga oo sheegay in tan iyo bishii January ee sannadkan in la diiwaangeliyey in ka badan 4,880 xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin shuban biyood ama daacuun. Sidoo kale waxaa la soo weriyey illaa 8,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin xanuunka jadeecada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarku inay caawiyeen illaa 2.8 million oo qof, intii u dhexeysay January illaa April 2022. Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay inay haatan durbaanka u garaacayaan sidii dunidu u fahmi lahayd xaaladda adag ee abaareed ee ka jirta Soomaalia, iyaga oo ugu baaqay beesha caalamku inay dedejiyaan taageerada ay u fidinayaan dadka abaaruhu saameeyeen.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Next Post

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Next Post
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ay weheliyaan Safiirka...

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In