Guddoomiyaha gobolka Lugansk ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in ciidamada Ukraine laga yaabo inay ka baxaan magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk ee dhacda bariga Ukraine.
Sergei Gaidai oo ah Guddoomiyaha gobolka Lugansk ayaa u sheegay Warbaahinta in laga yaabo inay lagama maarmaan noqoto in ciidamada Ukraine ay ka baxaan gabi ahaanba magaalada tasoo Ciidamada Ruushka qayb ahaan ay la wareegeen gacan ku haynteeda maalmo ka hor.
Madaxa Xarunta Dabagalka Difaaca Ruushka ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay yahiin jawaab dhab ah oo ku saabsan wararka ay baahinayaan Warbaahinta ka soo horjeedda hawlgalka Ciidamadooda.