Waxaa magaalada Muqdisho saacadihii u danbeeyay soo gaaraya wafuud kala duwan oo ka kala socda wadamada Africa iyo kuwo kale kuwaas oo lagu casuumay caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalinnimada khamiista ah kadhaceysa Muqdisho.
Wafuuda maanta soo gaartay magaalada Muqdisho waxaa ka mida mas’uuliyiin ka kala socda Ururka Jaamacadda Carabta, dowladdaha Indonesia, India, iyo Cumaan waxayna goobjoog ka noqondoonaan caleema saarka madaxweynaha 10aad ee dalka.