Taliska Booliska Maamulka Puntland sigaar ah kuwa Gobolka Bari ayaa faah-faahin ka bixiyey rag ajaanib ah oo ah kuwa Dadka tahriibiya oo ciidamada Badda Puntland ay ku qabteen xeebaha Gobolka Bari.
Ciidamada Amaanka Gobolka Bari ayaa soo qabtay ragaan Ajaaniibta ah oo watay Saxiimad ay dadka ku tahriibin jireen,waxaana dhalasho ahaan ka soo jedaan dalka Yeman.
Taliyaha Booliska Gobolka Bari Abdulkhadir Jaamaac Dirir ayaa warbaahinta uga warbixiyey Ajaanibtaan ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay sharciga hor geynayaan.