Kulan lagu tageerayay Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ayaa lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Kulanka oo looga hadlayay dardargalinta howlaha shaqo ee horyaala Taliska Ciidanka Asluubta iyo taageerid iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasaan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu qabtay xabsiga dhaxe ee Xamar.
Madasha ayaa waxaa ku suganaa sihayaha taliyaha ciidanka Asluunbta Soomaaliya ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Gen. Cabdikariin Cali Afrax iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay heeso isugu jiraa soo dhaweyn iyo mid taageerid ah
Taliyaha Hogaanka Wacyigalinta Ciidanka Asluubta Gashaanle Sare Maxamed Maxamuud Sahal (Shido ), ayaa sheeegay in ay diyaar u yihiin fulinta amarada ka soo baxa Madaxweynaha Dalka Xasan sheekh Maxamuud .
Taliye Cabdikariin Cali Afrax oo la hadalay Qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidanka Asluubta ayaa ku dheeraday ahmiyada ay leedahay in qaran si daacad ah loogu adeego iyo muhiimada .